Puntland oo hehiis is-afgarad la saxiixatay shirkada Frontier Service Group

Saraakiil ka socda shirkada Frontier Service Group iyo wasiirka duulimaadka Puntland oo heshiiska wada saxiixanaya. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa hehiis is-afgarad la saxiixatay shirkada Frontier Service Group si ay u horumariso garoonka Garoowe, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada maanta oo Sabti ah.

Wasiirka wasaarada duulista hawada iyo garoomada Puntland Xuseen Cusmaan Luga-toor ayaa sheegay in heshiiska is-afgarad ay shaqadiisu ay ka koobnaan doonto sadex weji, iyadoo koowaad laga dhigi doono 4 kiilomitir waxaana 1.6 kiilomitir lagu dari doonaa runway-kii hore, waxaa kale oo la dhisi doonaa Terminal weyn oo casri ah, VIP, Terminal Cargo casri ah, qaybta dabdemiska iyo dhammaan adeegyadii garoonku u baahnaa oo casri ah.

Shirkada ayaa bixisa ammaanka iyo saadka garoomada waxaana asaasay Erik Prince, oo ahaa madaxii hore ee Blackwater.

Inkastoo muddo sannooyin ah Garoowe oo ah caasimada Puntland ku riyoonaysay helida garoon casri ah, dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa la dhammeeyay sanadkii 2018, waxaana dhaqaalaha ku baxay bixisay dowladda Kuwait.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*