Hal qof oo ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

Magaalo xeebeedka Boosaaso.[Sawirka: Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Qarax ayaa maanta oo Talaado ah ka dhacay magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo ahaa ninkii qaraxa waday, sida ay saraakiil katirsan ciidanka booliiska ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Ciidanka booliiska saldhiga Boosaaso ayaa joojiyay ninka qaraxa waday oo loo maleynayo in bartilmaameedku ahaa.

Haayadaha ammaanka ayaa wada baaritaan ku saabsan qaraxa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*