Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ay diyaar u yihiin qaxootiga Dhadhaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu aqbalo qaxootiga ka imaanaya xerada Dhadhaab sidoo kalena ay ka qaybqaadan karaan dib u dhiska dalka.

Isagoo ka hadlayay shir jaraaid oo ay madaxtooyada Nayroobi si wadajir ah ugu wada qabteen Madaxweynaha Kiinya Uhuru Kenyata, hoggaamiyaha Soomaaliya ayaa sheegay in dib u celinta ay noqon doonto mid si wanaagsan loo agaasimayo.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in qaxootiga ay mar hore sii doorteen meelaha ay rabaan in ay degaan, wuxuuna intaas ku daray in dowladiisa ay ka samayn doonto meelahaas kaabayaal si ay u degaan.

Wuxuu uga mahadceshay Kiinya matrigelinta ay siisay qaxootiga Soomaaliyeed mudada 25 sanno ah.

Wuxuu sheegay in qaxootiga ay kaalin weyn ka qaadan doonaan dib u dhiska Soomaaliya, iyagoo waxbarasho fiican ka helay Kiinya.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*