Waddooyin cusub oo laga dhisi doono gudaha caasimada Puntland

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxmed Cali iyo Duqa Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir oo dhagax-dhigaya dhismaha waddooyinka cusub ee Garoowe. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Labo waddo oo cusub ayaa dhawaan laga dhisi doona gudaha magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxmed Cali ayaa ka qaybgalay munaasabada dhagax-dhiga dhismaha waddooyinka oo maanta oo Arbaco ah ka dhacday Garoowe.

Madaxweyne Cabdiweli oo ka hadlayay munaasabada dhagax-dhiga ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka cusub ay kor u qadi doonaan horumarka iyo bilicda caasimada.

“Runtii waan ku faraxsanahay bilicda magaaladda Garoowe ee caasimada dowladda Puntland, muhiim bay noo tahay in ay magaaladu qurux badan tahay, caasimad istaahisha bilicda, horumarka iyo wanaaga Puntland waa inay noqotaa,  waxaana kow ka ah horumarkaasi waa jidadka, magaaladu waa in ay jid leedahay, waddooyin lamaro leedahay waxayna soo kordhinaysaa taasi ganacsi , horumar, bilic iyo amni intaba.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Labada waddo oo laami ah ayaa mid laga dhisayaa suuqii hore ee magaalada oo loo yaqaan Fadhi Same waxaana dherekoodu gaarayaa 1KM iyo 400M (hal-kiloo mitir iyo afar-boqol oo mitir ), halka mida kale laga dhisayo jidka Bulsho waxaana dherekoodu gaarayaa 1KM iyo 370m (hal-kiloo mitir iyo saddex-boqol iyo todobaatan mitir).

Dhaqaalaha ku baxaya wadddooyinka ayaa waxay qeyb ka yihiin mashruuca JPLG oo haayadaha Qaramada Midoobay ka caawiyaan sanad walba dhismaha waddooyin cusub oo kuyaala magaalooyinka waa-weyn ee Puntland, sida uu sheegay Madaxweynaha Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*