Taliyaha ciidanka Soomaaliya oo sheegay in ay xireen askar isku dayay in ay qalab ciidan kala baxaan xeradii uu Imaaraatka maamuli jiray

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya Janaraal Cabdiweli Jaamac. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Askar isku dayay in ay saanad iyo qalab ciidan kala baxaan xerada Gordan ee Muqdisho ayaa la xirxiray, sida uu sheegay taliyaha ciidanka.

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa warbaahinta u sheegay in ay gacanta ku dhigeen askar ku jirtay xerada Gordano oo isku dayay in ay si sharci daro ah kula baxaan saanad iyo qalab ciidan.

“Ciidanka xoogga dalka waxay hadda gacanta ku hayaan askartii iyo saraakiishii ka danbeeyey dhacdadaan, inkastoo ay tiro ahaan aad u yar yihiin haddana waa mid aan marnaba la qaadan karin, waxaana ballanqaadeeynaa in aan hor keeni doonno sharciga.” Ayuu yiri Janaraal Gorod.

Maanta oo Isniin ah ayaa rasaas laga maqlay xerada ciidamada Gorad ee Muqdisho.

Sabtidii, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay ciidankii ay tababareen Imaaraatka Carabta oo ku jiray xerada Gorad.

Asbuucii lasoo dhaafay, Imaaraatka Carabta ayaa joojiyay taageeradii ay siin jireen ku dhawaad 2,000 oo katirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo ay gacanta ku hayeen tan iyo sanadkii 2014-kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*