Baarlamaanka Puntland oo diyaarinaya mooshin ka dhan ah golaha wasiiradda

Baarlamaanka Puntland [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Puntland ayaa diyaarinaya mooshin ay ku doonayaan in ay ku ceyriyaan golaha wasiiradda Puntland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Ilo-wareed katirsan dowladda oo magaciisa qariyay ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in xildhibaano ka badan 40 ay saxiixeen mooshinka ka dhanka ah golaha wasiiradda iyaga oo ku eedeeyay shaqo xumo.

Waxaa ka socda gudaha Garoowe kulamo ay albaabadu u xiranyihiin oo u dhaxeeya dowladda iyo xildhibaanada kuwaasoo dabada ka riixaya mooshinka, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Tilaabadaan ayaa imaanaysa iyada oo dowladda isku diyaarinayso sanadguurada 19-aad ee Puntland, taasoo dhacda 1-da Agoosto sanad walba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*