Sargaal katirsan ciidamada isku dhafka Gaalkacyo oo ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray

Magaalada Gaalkacyo. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Sargaal katirsan ciidamada isku dhafka ah ee ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si daran ugu dhaawacmay kadib markii walxo qarxa loogu xiray gaarigiisa fiidnimadii Axada, sida ay sheegeen haayadaha ammaanka.

Sargaalka oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Faarax Maxamed ayaa ahaa madaxa saadka ee ciidamada isku dhafka ah ee ammaanka magaalada Gaalkacyo.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo horer weeraro jaadkan oo kale ah uga geysatay magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay ku warameen warbaahintoodu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*