Madaxweynaha Puntland oo isku shaandhayn ku samayn doona golihiisa wasiiradda

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni. [Isha sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa la filayaa in uu dhawaan isku shaandhayn ku sameeyo golihiisa wasiiradda, sida ilo-wareedyo katirsan dowladda ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Isku-shaandhaynta ayaa saamayn doona qaar katirsan golaha wasiiradda iyo agaasimeyeyaal guud, iyagoo intooda badan ay yihiin xubno xiriir dhow la lahaa qaar katirsan saaxiibo hore ee Deni kuwaasoo khilaaf uu ka dhex qarxay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya kadib, sida ay sheegeen ilo-wareedku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*