Raysulwasaare Sharmaake oo ku howlan joojinta dagaalka Gaalkacyo

Raysulwasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. [Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ku howlan sidii loo joojin lahaa dagaalka Gaalkacyo ee u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Sharmaake ayaa shalay oo Jimce ahayd safar ku tagay magaalada Cadaado oo xarun u ah maamulka Galmudug, si uu kulamo ula qaato masuuliyiinta maamulkaas.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror Raysulwasaaraha ayaa la filayaa in uu dhawaan gaaro caasimada dowlada Puntland ee Garoowe si uu kulamo ku saabsan sidii loo joojin lahaa dagaalka magaalada Gaalkacyo uu ula yeesho madaxda dowlada Puntland.

Cumar Cabdirashiid, ayaa dabayaaqadii sanadkii hore ee 2015-ka ku guulaystay in uu heshiis dhex dhigo labada maamul oo dagaal ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo, kaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 50 qof.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay dagaalo asbuucii lasoo dhaafay dhexmaray labada dhinac.

Sida ay bayaan ku sheegtay shalay oo Jimce ahayd haayada Qaramada Midoobay ee xiriirka arrimaha insaanimada (UNOCHA), ku dhawaad 50,000 oo qof ayaa ku barakacay colaada kasoo cusboonaatay asbuucii lasoo dhaafay magaalada Gaalkacyo.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*