Sawiro: Nolosha murugada leh ee dumarka qaxootiga ah ee Soomaaliyeed ku heysata dalka Indonesia

Dumar Soomaaliyeed oo ka cararay dalkooda hooyo, ayaa gaajo, fakhri iyo guri la’aan ku heysataa caasimada dalka Indonesia ee Jakarta, sida uu daabacay wargeyska The Guardian oo kasoo baxa Britain.

Istaahil, waa gabar Soomaaliyeed oo aan guri heysan oo qaxooti ku ah Jakarta waxay isu diyaarineysaa salaad iyada oo ku sugan meesha ay ku nooshahay. Waa 23-sanno jir, taasoo qoyskeeda ay mamuuceen ururka Al-Shabaab, waxay ka carartay Soomaaliya kadib markii aabaheed la dilay iyaduna ay noqotay bartillmaameed markii ay nin gacanta ku salaantay. Gaajo daran ayaa halkan taal ayay tiri. [Sawirka: Aaron Bunch/AAP]
Dumar Soomaaliyeed oo qaxooti ah oo fadhiya Masaajidka al-Barokah ee kuyaala Jakarta si ay habeenimada ugu magangalaan. Sida qaxootiyaal badan oo kale dumarka ayaa kasoo cararay dalkooda iyaga oo yimid Indonesia kadib markii Al-Shabaab ay kufsatay ama ay dishay qoysaskoodii, waxay ku noolyihiin waddooyinka. [Sawirka: Aaron Bunch/AAP]
Raxma waxay joogtaa Jakarta. Waa 25-sanno jir taasoo si dirqi ah uga soo carartay dhimasho markii maleeshiyada Al-Shabaab ay bireeyeen aabaheed ayna weerar ay ku qaadeen ku gubay ganacsiga xubnihii haray ee ka noolaa qoyskeeda, kuwaas oo shaqaalaha dowladda ay macaamiil u ahaayeen. [Sawirka: Aaron Bunch/AAP]
Iqra waa gabar Soomaali ah oo qaxooti ah waxay kasoo degaysaa jaranjar kutaala guriga ay ku nooshahay ee Jarkarta. Waxay huteel ku lahayd dalkeeda sanadkii 2015 kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay ugu hanjabeen in ay gacmaha ka goynayaan iyaga oo ku colaadinaya in ay xirto ganacsigeeda. [Sawirka: Aaron Bunch/AAP]

Qaxootiga dumarka ah sharci ahaan ma shaqeysan karaan ama ma heli karaan amniga bulshada ee Indonesia. Dumarka ayaa sheegaya in codsiyadooda gargaarka ah ee UNHCR iyo hay’adaha gargaarka loo diiday. Waxay ka baxaan hal qol waxayna tagaan mid ku xiga halkaas oo ay ka tuugsadaan qaxootiyada kale cunto. [Sawirka: Aaron Bunch/AAP]
Iqra waxay fadhidaa qolka ay ku nooshahay ee kuyaala Jakarta. Haddii dumarku ay nasiib leeyihiin, waxay joogi doonaan qolka ay ku noolyihiin maalmo yar kahor inta dadka dhulka leh aysan ka saarin iyaga oo seexan doona gidaarada ama waxay aadi doonaan masaajidyada. [Sawirka: Aaron Bunch/AAP]
Gabar Soomaaliyeed oon aan guri lahayn weeye Anisa waxay hurudaa barandada guriga ay joogto ee kuyaala Jakarta. Habeenkii dumarka qaxootiga ah waxay ku noolyihiin waddooyinka waxayna la kulmaan khatar weerar dhanka galmada ah. Waxay sheegeen in raggu uu mar walba si xoog ah ugu khasbo in ay la galmoodaan iyaga oo siiya xoogaa yar oo dollar ah. [Sawirka: Aaron Bunch/AAP]
Safiya waxay la fadhidaa gabadheeda oo sideed sanno jir ah, Saabiriin, qol saaxiibteed oo kuyaala Jakarta, labada qof ayaa u soo tahriibay Indonesia kadib markii Al-Shabaab ay bireyeen ninkeeda oo ahaa shaqaale katirsan dowladda sanadkii 2015-kii. [Sawirka: Aaron Bunch/AAP]
Sucaad waa 27-sanno jir qaxooti ah, qoyska Sucaad ayaa waxay ku dhinteen qarax ka dhacay Muqdisho. Waxay kasoo carartay Soomaaliya kadib markii Al-Shabaab ay afduubatay, ayna kufsadeen. [Sawirka: Aaron Bunch/AAP]
Qaxooti Soomaaliyeed oo fadhiya waddo kutaala Jakarta. Dumarka ayaa sheegaya in keliya aysan dhibbaato ka heysan in ay cunto helaan, sidoo kale waxay la kulmaan habeen walba khataro niman galmo raadis ah.[Sawirka: Aaron Bunch/AAP]
Iqra waa gabar Soomaaliyeed oo qaxooti ah waxay fadhidaa Masjidka Al Barokah. Waxay tiri halkaan nabadgelyo kuma heysto habeenkii waxaan beylah u ahay cid walba. [Sawirka: Aaron Bunch/AAP]
Istaahil iyo Safiya waxay fadhiyaan waddo kutaala Jakarta habeenimo. Waxaa jira 13,800 oo magangelyo raadis iyo qaxooti kala duwan ah oo jooga gudaha Indonesia. Saddex meelod labo kamid ah waxay ku tiirsanyihiin gargaarka dowladda ama waxay kunoolyihiin xarumaha ay dowladdu maamusho ee soo galootiga, sida ay sheegtay UNHCR. [Sawirka: Aaron Bunch/AAP]
Iqra waa gabar Soomaali ah oo qaxooti ah. Waxay huteel ku lahayd dalkeeda Soomaaliya sanadkii 2015 kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay u hanjabeen in ay gacmaha ka goynayaan iyaga oo ku colaadinaya in ay xirto ganacsigeeda. [Sawirka: Aaron Bunch/AAP]

Qaxooti Soomaaliyeed Nuurta iyo Khadro waxay habeenimo lugeynayaan waddo kutaala Jakarta. [Sawirka: Aaron Bunch/AAP]
In badan oo qaxootiga dumarka Soomaaliyeed ah ayaa seexda xarun xabsiyeed soo galootigu leeyihiin oo u dhow Jakarta muddo bilooyin ah iyaga oo rajeynaya in ay helaan ama ay saf u galaan caawimaada xafiiska UNHCR. [Sawirka: Aaron Bunch/AAP]

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*