Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo dadka ay abaartu saamaysay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadalaya xero ay ku jiraan dadka abaaruhu ay saameeyeen oo kutaala Baydhabo, June 1, 2022. [Isha Sawirka: Villa Somalia]
Baydhabo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku baaqay in gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo dadka ay abaartu saamaysay.

“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in dadka ay abaaruhu saameeyeen loo gurmado, wixii aynu haysanno lala wadaago, garab-istaag iyo walaalnimana loo muujiyo. Sidoo kale in ubadka Soomaaliyeed ee xeryahan ku jira lala gaaro adeegyada bulshada ee asaasiga ah oo ay ku jiraan dhismaha goobihii ay wax ku baran lahaayeen.” Ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisu ay mudnaan gaar ah siinayso wax-ka-qabashada xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira dalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

 Ku dhawaad 6 milyan oo Soomaali ah oo u dhiganta kala bar dadka Soomaaliyeed ayaa wajahaya xaalad abaareed oo daran, sida asbuucaan uu sheegay ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan wax ka qabashada abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in doorashadii daahday ay dalka ka mashquulisay ka jawaabista abaaraha, taasoo sii xumaysay u gargaarida dadka ay abaartu saamaysay.

Abaarta hadda jirta ayaa waxaa sababay labadii xilli roobaad ee uu dambeeyay oo aan si fiican looga helin dalka kuyaala Geeska Afrika oo sannooyinkii u dambeeyay wajahay abaaro daran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*