Puntland oo u diyaargaroobaysa sidii ay magaalo xeebeedka Qandala dib u gala wareegi lahayd ISIS

Ciidamada ammaanka Puntland oo dhageysanaya taliyahooda. [Sawirka: Puntland Mirror]
Ciidamada ammaanka Puntland oo dhageysanaya taliyahooda. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay u diyaargaroobayso sidii ay magaalo xeebeedka Qandala ay dib u gala wareegi lahayd maleeshiyada ISIS, sida uu sheegay duqa Qandala.

“Anaga iyo ciidamadayadu waxaanu ka tagnay Boosaaso iyadoo ujeedadu tahay in aan qabsano Qandala, taasoo hadda 100 kiilo-mitir noo jirta. Waanu sii soconaynaa ilaa aan ka xoreyno  magaalada,” sidaa waxaa wakaalada wararka Reuters u sheegay duqa degmada Qandala, Jaamac Maxamed Khurrshe.

Si lamid ah, isaga oo la hadlayay idaacada Radio Daljir asbuucii lasoo dhaafay, madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay ayaa sheegay in kooxda ISIS ay ka xoreyn doonaan magaalada Qandala.

In ka badan 700 dadka deegaanka magaalada Qandala ah ayaa ka cararay guryahoodii iyagoo ka cabsi qaba dagaal cusub oo dhexmara ciidamada dowladda Puntland iyo maleeshiyada taageersan ISIS.

Bishii la soo dhaafay Oktoobar, in ka badan 50 dagaalyahan oo taageersan ISIS uuna hoggaaminayo sargaal hore oo Al-Shabaab ah Cabdiqaadir Muumin ayaa qabsaday magaalo xeebeedka Qandala ee kutaala gobolka Bari, walina waxa ay ku jirtaa gacantooda.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*