Wasiirka amniga DFS oo sheegay in ay qabteen kooxo looga shaki qabo Al-Shabaab oo doonayay in ay ka dhoofaan garoomada dalka

Wasiirka amniga dowlada federaalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed. [Sawirka: Archive]
Wasiirka amniga dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowlada federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa sheegtay in ay qabatay shabakad looga shaki qabo Al-Shabaab kuwaasoo isku dayay in ay ka dhoofaan garoomada dalka.

Wasiirka amniga dowlada federaalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in 20 qof oo looga shaki qabo Al-Shabaab ay ku xireen garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Cabdirisaaq ayaa sidoo kale xusay in haayadaha amaanka ee qaybaha kala duwan ee dalka ay qabteen kooxo looga shaki qabo Al-Shabaab kuwaasoo rabay in ka duulaan garoomadaas.

Amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa la adkeeyay iyadoo ay soo food leeyihiin doorashooyinka dalka oo la filayo in ay dhacaan bisha November oo beri dhalan doonta.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*