Pentagon-ka Mareykanka oo rajeynaya in labo sano in ka badan ay lasii dagaalamaan maleeshiyooyinka argagixisada ah ee ku sugan Soomaaliya

Sawirka: Diyaarada Mareykanka aan duuliyaha lahayn ee drone.

Muqdisho-(Puntand Mirror) Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon ayaa qorshaynaysa in ay la dagaalanto xagjiriinta jooga gudaha Soomaaliya ugu yaraan muddo labo sanno oo dheeri ah, taasoo daba socotay qorshe shuruuc cusub ah oo uu dhawaan saxiixay Madaxweyne Donald Trump.

Shuruucdan cusub ee la saxiixay bishii Oktoobar ayaa u oggolaanaya Pentagon in ay ka howlgalaan meelo ka baxsan goobaha dagaalka ee joogtada ah, sidaa daraadeed Pentagon waxa ay soo gudbisay qorshe lagu ansixinayo shuruucdaas si ay u sii wadaan garaacista maleeshiyooyinka Al-Shabaab iyo Daacish ee ku sugan gudaha Soomaaliya muddo sanado ah, Wargeyska New York Times ayaa sidaas sheegay.

Pentagon ayaa qaaday 30 duqaymood oo ka dhan ah maleeshiyooyinka xagjiriinta ah ee Soomaaliya ilaa iyo sannadkan 2017, weeraradaas waxay u badan tahay in ay sii socdaan ilaa 2018, haddii soo-jeedinta cusubi hesho oggolaansho.

“Ma doonayno in aan sheegno siyaasaddeena bartilmaameedsanaysa argagixisada taasoo dhibbaato nagu ah, laakiin waxaan si guud u sheegi doonaa in siyaasadeena la dagaalanka argagixisada ay sii socon doonto,” Marc Raimondi, oo ah afhayeenka Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa sidaa u sheegay wargesyka New York Times.

Howlgalada milatariga Mareykanka ee gudaha Soomaaliya ayaa hadda keliya aan ahayn duqaymaha diyaaradaha balse Pentagon ayaa dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay ee November iclaamiyay joogitaanka 500 askari oo Mareykan ah gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*