Masuuliyiinta sare ee ka qeybgali doonta shirka Garoowe oo bilaabay in ay yimaadaan Garoowe

Madaxweyne Deni oo Laftagareen ku soo dhaweynaya garoonka diyaaradaha Garoowe, May 3, 2019. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Masuuliyiinta sare ee ka qeybgali doonta shirka Garoowe ayaa bilaabay in ay yimaadaan magaalada Garoowe, ee caasimada Puntland.

Maanta oo Jimce ah, Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa yimid Garoowe.

Madaxweynayaasha Jubbaland, Hir-shabeelle iyo Galmudug ayaa la filayaa in ay maanta iyo beri yimaadaan Garoowe. Sidoo kale madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa imaan doona.

Shirka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo ay Puntland martigelinayso, ayaa la filayaa in uu furmo horaanta asbuuca soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*