Masar oo qalab militari ugu deeqday Soomaaliya

Hand over
wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadil Shiikh Cali Diini oo taageerada ka guddoomay safiirka Masar Waliid Maxamed Ismaaciil. Sawirka: Video snap.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah taageero militari ka heshay dowlada Masar .

Safiirka Masar u qaabilsan dalka Soomaaliya Waliid Maxamed Ismaaciil ayaa taageeradaas ku wareejiyay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadil Shiikh Cali Diini munaasabad lagu qabtay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho maanta oo ay kasoo qaybgaleen saraakiisha dowlada Soomaaliya iyo diblomaasiyiin.

“Waxaanu baabuur, hub iyo dharka ciidamada siinay Soomaaliya, waxaana iska leh ciidamada difaaca Soomaaliya, waxaanu qalab xafiiseed iyo qalab militari ugu deeqnay wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay, Masar Soomaaliya kama taageerayso dhanka militariga kaliya, laakiin waxaanu ka taageeraynaa waxbarashada, caafimaadka iyo maalgelinta,” sidaa ayuu safiirka Masar u sheegay wakaalada wararka dowlada Soomaaliya ee Sonna.

Military vehicle
Baabuurta militariga oo Masar ugu deeqday Soomaaliya. Sawirka: Video snap.

Safiirka ayaa intaas ku daray in Masar ay qorshaynayso in ay caawimaad insaanimo siiso Soomaaliya dhawaan.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Diini ayaa uga mahadceshay dowlada Masar taageeradeeda joogtada ah.

“Taageeradaan militari oo nooga timid walaalahayo dowlada Masar waxaanu u qorshaynay ciidamadeena gaarka ah ee ‘Danab’ si ay ula dagaalamaan argagixisada, waxaanu u mahadcelinaynaa Masar mar labaad iyo mar labaad,” ayuu yiri wasiir Diini.

Soomaaliya iyo Masar ayaa horey u lahaa xiriir taariikhi ah oo xoogan, sanadkii 2014-ka Masar waxay Soomaaliya u soo magacowday safiirkeeda cusub oo ah Waliid Maxamed.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*