Madaxweyne Deni oo magacaabay xubnaha Puntland ku matali doona guddiga farsamo ee talo ka bixinta doorashooyinka Soomaaliya

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad(Midig), agaasime ku xigeenka madaxtooyada Cabdiweli Cali Cabdulle (Bidix).

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo agaasime ku xigeenka madaxtooyada Cabdiweli Cali Cabdulle u magacaabay in ay Puntland ku matalaan guddi farsamo oo talooyin ka bixin doona doorashooyinka Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland fiidnimadii Jimcaha.

Shir madaxeedkii ay isugu yimaadeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah, kana dhacay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug 19–22 Luuliyo, 2020, ayaa lagu heshiiyay in la sameeyo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah; guddigaas oo ka soo baaraandagi doona talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*