Taliyaha cusub ee AMISOM oo xafiiska la wareegay

Janaraal Subagle
Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Janaraal Cusmaan Nuur Subagle. Sawirka: AMISOM.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Taliyaha cusub ee howlgalka Midowga Afrika ee gudaha Soomaaliya Janaraal Cusmaan Nuur Subagle ayaa si rasmiya xilka u la wareegay, isaga oo badali doona Janaraal Jonathan Rono.

Janaraal Subagle ayaa shalay yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho si uu xafiiska ula wareego.

Taliyaha cusub ee AMISOM ayaa la kulmay madaxa AMISOM ambaasadoor Francisco Caetano Madeira, kaasoo xusay in imaanshihiisu ay kusoo beegmayso wakhti howlgalka AMISOM ay ku jirto khatar.

Taliyaha cusub ee AMISOM Janaraal Cusmaan Nuur Subagle ayaa u dhashay dalka Jabuuti oo kamid ah wadamada ku tabarucay 22,000 oo askari oo howlgalka nabad ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*