Mareynka oo dib safaaradiisa uga furaya Muqdisho ku dhawaad 30 sanno kadib

Calanka Mareykanka.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa sameeyay joogitaankiisii kowaad ee diblomaasiyadeed ee gudaha Soomaaliya ku dhawaad muddo 30 sanno ah kadib.

Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa sheegtay in “arrintan taariikhiga ah” ay sabab u tahay horumarka ka dhacay Soomaaliya.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa ku sii jeeda safaaradda Muqdisho. Iyada oo markii hore fadhigeedu ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mareykanka ayaa xiray safaaradiisii Soomaaliya bishii Janaayo 1991 markaas oo dalka uu ka jiray dagaal u dhaxeeya jabhadaha iyo dowladdii Maxamed Siyaad Bare.

Iyada oo ka hadlaysay arrintan, afhayeenka waaxda arrimaha dibada Heather Nauert ayaa ku tiri bayaan: “Arrintan taariikhiga ah waxaa keenay horumarka ay Soomaaliya ku tilaabsatay sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay waana tilaabo kale oo horey loogu qaaday in si rasmi ah loo sameeyo joogitaanka diblomaasi ee Mareykanka ee gudaha Muqdisho tan iyo markii la aqoonsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya sanadkii 2013.”

Waxay intaas ku dartay: “Dib u noqoshadayada waxay cadeynaysaa balanqaadka Mareykanka si loo gaaro xasilooni dheeraad ah.

Ammaanka Muqdisho ayaa soo hagaagay dhawaanahaan, inkastoo maleeshiyada Al-Shabaab ay weli khatarteeda leedahay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa balaariyay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab bishii Maarso 2017 iyadoo ciidamada Mareykanka ay qaadeen in ka badan 36 duqeymo cirka ah intii lagu guda jiray sanadkan 2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*