Madaxweynaha Puntland oo safar ku jooga dalka Imaaraatka Carabta, muxuu yahay ujeedkiisu?

Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa safar ku jooga dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, halkaas oo uu wadahadal kula leeyahay masuuliyiinta Abu Dhabi, sida ilo-wareedyo katirsan dowladda ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Ma ay jirto faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan safarka madaxweynaha, balse ilo-wareedkeena ayaa noo sheegay in arrinta DP World ee dekadda Boosaaso ay kamidtahay ujeedka madaxweynaha ee safarkiisa Imaaraatka.

Madaxweynaha ayaa tan iyo bishii Sebteembar ku sugnaa magaalada Muqdisho halkaas oo uu shirar looga hadlayo doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya uga qeybgaliyay, taasoo heshiis laga gaaray.

2-dii Octoobar ayaa Madaxweyne Deni uu Muqdisho uga ambabaxay dalka Kenya, halkaas oo uu uga sii gudnay Imaaraatka.

Sanadkii 2017, Puntland ayaa heshiis la saxiixatay shirkada DP World si ay u horumariso una maamusho dekada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, balse dekadda ayaa weli shaqo dhisme ah laga bilaabin, taasoo walaac ku abuurtay bulshada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*