Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo kulmay

Madaxweyne Farmaajo oo madaxtooyada Jabuuti kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele. [Sawirka: Villa Somalia]
Jabuuti-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay caasimada Jabuuti ee magaalada Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kor u qaadista iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qadiyadaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa imaanaya iyada oo asbuucayadii lasoo dhaafay uu jiray khilaaf soo kala dhexgalay labada dhinac kadib markii Jabuuti ay ka xanaaqday hadalkii Madaxweyne Farmaajo sheegay markii uu safarka ku tagay dalka Eriteeriya, ee uu ku dalbaday in cunaqabateynta hubka laga qaado Eriteeriya, oo muran dhanka dhulka ah uu kala dhaxeeyo Jabuuti.

Safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tagay dalka Jabuuti ayaa u muuqda mid lagu xalinayo khilaafka labada dal soo kala dhexgalay.

Jabuuti oo ah dal yar oo kuyaala Gacanka Cadan ee istiraatiijiga ah, ayaa kamid ah wadamada ku deeqay ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda Midowga Afrika eek u sugan Soomaaliya ee loo yaqaan AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*