Madaxweynaha Burundi oo ku hanjabay in uu ciidamadiisa kala baxayo gudaha Soomaaliya haddaan mushahaar la siin bisha Janaayo

Burundi ayaa ah wadanka ugu badan oo ciidamo ugu deeqay AMISOM marka laga reebo Uganda. [Sawirka: AMISOM]
Burundi ayaa ah wadanka ugu badan oo ciidamo ugu deeqay AMISOM marka laga reebo Uganda. [Sawirka: AMISOM]
Bujumbura -(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Burundi ayaa Jimcadii shalay ku hanjabay in uu la baxayo dhammaan ciidamadiisa oo gaaraya 5,500 askari oo uu ugu deeqay Howlgalka Midowga Afrika ee gudaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in aan mushahaar la siin qiyaastii sanad, sida ay kasoo xigatay wakaalada wararka AP.

“Haddii aan bisha Janaayo la siin mushahaar, Burundi dib bay ugu yeeranaysaa in ka badan 5,400 oo ciidamadooda ah oo kamid ah 22,000 ee AMISOM kuwaasoo dowladda taagta daran ee Soomaaliya ka difaacaya weerarada xagjiriinta Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne President Pierre Nkurunziza.

Ciidamada Burundi ayaan mushahaar la siin 11 bilood iyadoo khilaaf u dhaxeeyo dowladda Burundi iyo Midowga Yurub kadib markii Midowga Yurub ay ku eedeeyeen haayadaha Burundi arrimo ka dhan ah xuquuqul iinsaanka.

Burundi ayaa wajahaysa caambaareyn caalami ah oo ku saabsan khilaafkii siyaasadeed ee dhiigu ku daatay sanadkii hore  taasoo ay sababtay Madaxweyne Nkurunziza oo doonayay in mar saddexaad uu doorasho galo, taasoo dalal badan ay u sheegeen in ay tahay sharci daro, iyadoo dastuurka dalkaas u ogolyahay in labo mar oo keliya madaxweyne loo tartami doono.

Burundi ayay u qorshaysantahay bisha Janaayo in la bedelo saddex qeyb oo kamid ah ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya, sida uu bayaan ku sheegay asbuucaan horaantiisii afhayeenka ciidamada milatariga Korneyl Gaspard Baratuza.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*