Ciidamada Puntland oo tagay gobolka Sool

Ciidamada Danab ee Puntland oo lagu sawiray iyaga oo ku guda jira dhoolatus milatari meel u dhow tuulada taariikhiga ah ee Taleex ee gobolka Sool. [Sawirka: Screen-shot]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamo badan oo ka socda Puntland gaar ahaan Ciidanka Danab ayaa gaaray deegaano kuyaala gobolka Sool maalintii Axada, sida ay sheegeen masuuliyiintu.

Masuuliyiinta Puntland ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in ciidamadu ay u joogaan gobolka si ay u joojiyaan dadaalada Somaliland ay ku doonayso in ay sanaadiikhda cod bixinta ku keento deegaanka.

Ciidamada ayaa saldhigyo milatari ka sameystay tuulada taariikhiga ah ee Taleex ee gobolka Sool, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Horaantii asbuucaan, Puntland ayaa ciidamo badan u dirtay gobolada Sool iyo Sanaag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*