Madaxweyne Cabdiweli: dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo 15 bisha afraad ee sanadkan ayaan bilaabaynaa

Madaxweyne Cabdiweli oo ka hadlaya xaflad casho sharaf ahayd oo ka dhacday Dubai oo lagu soo gunaanadayay heshiiska Puntland ay la gashay DP World. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Dubai-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo dhawaan la bilaabi doono.

“Hore ayeynu u soconaynaa, waanuna wadnaa hawsha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxa saxda ahina waxa weeyaan in aynu waajahno nolosha dhabta ah, walaalayaal waa inaan fahanaa in wax aynaan inagu qabsan cidkale inoo qaban karin, waa in aan dedaal la nimaadnaa, waanuna soconaynaa oo albaab kasta garaacaynaa inta aan ka hirgelinayno himiladayada insha Allaahu, garoonka Gaalkacyo 15 bisha afraad ee sanadkan ayaan bilaabaynaa, “ ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlay xaflad casho sharaf ahayd oo ka dhacday Dubai oo lagu soo gunaanadayay heshiiska Puntland ay la gashay DP World.

“Wadada Eyl-na 7 cisho ayey ka danbayn doontaa oo waa ku xigaysaa, hakan mayno weligeen oo horaa loo soconayaa idinkana reer Puntland ahaan waxaa la idiinka baahanyahay in aad hirgelisaan mashaariicda aanu keeno, anaga waanagu keenista mashaariicda idinka hirgelintooda ayaa la idinka rabaa.” Ayuu ku daray.

Madaxweynuhu kama uusan hadlin sababta keentay in aan wali la dhammeystirin shaqada dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee caasimada Puntland oo Kuwait maalgelisay.

Warsidaha Puntland Mirror oo baaritaan ku sameyay istaagida shaqada garoonka diyaaradaha ayaa shalay oo Khamiis ahayd daabacay warbixin ka hadlaysa sababta keentay in aan wali la dhammeystirin shaqada dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe oo ay gacanta ku haysay shirkad laga leeyahay Turkiga.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*