Madaxweyne Putin oo kasoo horjeestay in dalka Ruushka laga ceyriyo diblomaasiyiin Mareykan ah

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin. [Sawirka: Al Jazeera]
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin. [Sawirka: Al Jazeera]
Moscow-(Puntland Mirror) Ruushka ayaan cidna ka ceyrin doonin dalkiisa si uu uga jawaabo cunaqabataynta Mareykanku uu kusoo rogay Ruushka, sida uu bayaan ku sheegay Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin.

Si kastoo ay ahaataba, Putin ayaa sheegay in uu u arko tilaabada Mareykanka ay ku ceyrinayaan diblomaasiyiin Ruush ah ay daciifin karto xiriirka u dhaxeeya labada dal, sida ay ku warantay wakaalada wararka Ruushka ee RIA.

“Dhibaatooyin ku abuuri meyno diblomaasiyiinta Mareykanka ah. Cidna ceyrin meyno,” Putin ayaa sidaa bayaan ku yiri, isaga oo intaas ku daray in uu tixgelinayo ficilada Madaxweynaha-ladoortay ee Donald Trump, kasoo xafiiska qaban doona bisha soo socota.

Hadalka Madaxweyne Putin ayaa imaanaya saacad kadib markii wasiirkiisa arrimaha dibada Sergey Lavrov uu ka codsaday in 35 diblomaasi oo Mareykan ah laga saaro gudaha Ruushka.

Dhanka kale, Khamiistii shalay ayay ahayd, markii Mareykanku uu sheegay in uu dalkiisa ka saarayo 35 diblomaasi oo Ruush ah.

Xukuumada Madaxweynaha wakhtigiisu sii dhammaanayo Barrack Obama ee Mareykanka ayaa ku eedeeyay Ruushka in uu faragelin ku sameeyay doorashadii dhacday bishii November,  2016-ka.

In badan oo kamid ah xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxweyne Barrack Obama ayaa aaminsan in weerar dhanka hawada ah oo Ruushku u geysteen codadka doorashada ay waxyeelaysay Hillary Clinton fursadihii ay ku guulaysan lahayd doorashadaaas oo uu uga guuleystay Donald Trump.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*