Hoggaamiyaha al-Shabaab oo ku tilmaamay Turkiga ‘Cadowga Soomaaliya’

Diiriye
Hoggaamiyaha al-Shabaab, Axmed Diiriye.

 

Hoggaamiyaha kooxda hubaysan ee al-Shabaab Axmed Diiriye ayaa ku tilmaamay Turkiga “cadowga qaranka” wuxuuna ku eedeeyay ciidamada ajaaniibta ah ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya tuugada dalka, fariin cod ah oo shalay oo Talaado ahayd la daabacay.

Fariintiisii ugu horeysay ilaa uu qabtay hoggaanka al-Shabaab ayuu ku sheegay Turkiga inuu xiiso u joogo dalka isagoo sheegay inuu Turkiga boobayo khayraadka dalka in ka badan inta uu caawimaada u bixiyo.

“Dowlada Turkiga waa cadowga qaranka, maanta dhaqaalaha Soomaaliya gabi ahaanba waa burburay sababtoo ah faragalintooda.. Turkiga wuxuu kusoo duulay dhaqaalaha dalka… Waxay la wareegeen dhaqaalaha Soomaaliya waxayna rabaan in ay dalka ka dhigaan qaran faqri ah,” ayuu yiri hoggaamiyaha kooxda al-Shabaab.

Fariinta codka ah oo socotay 44-daqiiqo oo lagu daabacay warbaahinta al-Shabaab ayuu Diiriye ku eedeeyay ciidamada ajaaniibta ah ee nabad ilaalinta u jooga dalka kuwa sameeya tacadiyo insaanimo oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed oo ay kamid tahay kufsi.

“Soomaaliya waxay ku hoos jirtaa kooxo Kiristaan ah oo shaqo ka dhigtay. Waxa loogu yeero beesha caalamka kuwaasoo ku khiyaamay bulshada Soomaaliyeed in ay aqbalaan in Ethiopia iyo AMISOM la keeno Soomaaliya kuwaasoo ujeedkoodu yahay in ay baabashaan dhulka Soomaaliyeed, si loo boobo khayraadkooda,” ayuu yiri Axmed Diiriye.

Axmed Diiriye ayaa hoggaamiyaha al-Shabaab laga dhigay dabayaaqadii sanadkii 2014, kadib markii diyaaradaha Maraykanka ay duqayn ku dileen bishii September, 2014-kii hoggaamiyihi hore ee al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo maleeshiyadiisu ku magacaabi jireen “Abu Subayr”.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*