Sideed maleeshiyo Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo Mareykanku ka fuliyay Soomaaliya

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Sideed maleeshiyo Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay duqeymo uu Mareykanku ka fuliyay gudaha Soomaaliya.

Duqeymaha oo ahaa saddex ayaa ka dhacay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose Axadii, sida ay war-saxaafadeed ku sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) maanta oo Isniin ah.

“Qiimaynta hordhaca ah ee taliska sameeyeen ayaa sheegaysa in duqeymahaan lagu dilay sideed argagixiso ah,” War-saxaafadeed ayaa sidaa lagu yiri.

Duqeyn kale oo Jimcadii ka dhacday koonfurta Soomaaliya ayaa lagu dilay shan dagaalyahan oo katirsanaa Al-Shabaab, sida ay sheegeen AFRICOM.

Mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyay kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Sanadkan 2020 ilaa 34 duqeymood ayaa milatariga Mareykanku ka fuliyay gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*