Banaanbax looga soo horjeedo afgembigii fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho ka dhacay

banaanbax
Banaanbaxa looga soo horjeedo afgembiga fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho ka socda. Sawirka: Facebook.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo afgembii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga ayaa maanta ka socda caasimada Soomaaliya, Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qayb galaya boqolaal shacab ah oo wata calanka Turkiga iyo kan qaranka Soomaaliya, dadka ayaa muujinaya dareenkooda sida ay uga xunyihiin inqilaabka.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu soo uruuray Daljirka Daahsoon halkaas oo la filayo in ay ku la hadlaan masuuliyiinta dowlada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay inqilaabkii fashilmay ee lagu doonayay in xukunka looga tuuro Madaxweyne Rajib Dayib Erdogan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u taageersantahay dowlada Rajib Dayib Erdogan, isagoo codsaday in la xushmeeyo dastuurka iyo haayadaha dimuqraadiga ah si loo sii wado guusha.

Soomaaliya ayaa xiriir wanaagsan la lehTurkiga. Tan iyo 2011-kii, Soomaaliya waxay kamid ahayd saddexda wadan oo hela caawimaada horumarinta Turkiga.

Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhimatay isku dayga afgembi ee ka dhacay Turkiga.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*