Puntland oo uga digtay Somaliland dhaq-dhaqaaqa ciidan oo ay ka wado gobolada Sanaag iyo Haylaan

Cabdi Xirsi
Wasiirka amniga dowlada Puntland, Cabdi Xirsi Cali “Qarjab”. Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Wasiirka amniga dowlada Puntland Cabdi Xirsi Cali “Qarjab” ayaa ugu digay maamulka Somaliland dhaqdhaqaaqa ciidan ee ay ka wadaan gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Shir jaraaid oo wasiirka maanta ku qabtay xarunta madaxtooyada ee Gaalkacyo ayuu sheegay in aanay munaasib ahayn xilligaan in sabab loo noqdo dhiig Soomaaliyeed oo daata, isla markaana loo baahan yahay in ay Soomaaliland ka waantowdo fadqallalada ay ka wado dhulka nabadda ah ee Puntland, sidoo kale waxaa uu sheegay in aanay dawladda Puntland nabad ka qaadanayn daan-daansiga qaawan ee lagu hayo dalkeeda iyo dadkeeda.

“Maanta looma baahna in inta lasoo abaabulo dagaal dhexmara Puntland iyo Somaliland  la daadiyo dhiig Soomaaliyeed, waana cambaaraynaynaa arrintaasi, balse waxaan idiin caddaynayaa in aanay  dawladda Puntland nabad ka qaadanayn cid walba oo ku soo xad gudubta xuduudeheeda” ayuu yiri Wasiir Qarjab.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in aanay dawladda Puntland cidna duullaan ku ahayn, ayna diyaar u tahay in ay nabad iyo deris wanaag kula noolaato cid walba ay xuduud wadaagaan, waxaase  uu biyo kama dhibcaan ku tilmaamay in aanay Puntland wax gor-gortan ah ka geleyn xuduudeheeda, wixii cawaaqib xumo ah ee halkaasi ka yimaadana ay dusha u ridan doonto maamulka Somaliland.

Puntland iyo Somaliland ayaa ku muransan gobolada Sool iyo Sanaag tan iyo markii la dhisay labada maamul kadib burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*