Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso tagay kadibna u duulay Imaaraatka Carabta

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa dib uga soo laabtay dalka, kadib markii uu magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya kaga soo qeyb galay Shirkii Madasha Qaran ee doorashadda 2016.

Prof.Gaas ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Bosaso, halkaasi oo uu kula kulmay qaar ka mid ah golihiisa Wasiiradda iyo taliyayaasha ciidamadda booliska, ciidamada badda iyo ciidamadda la dagaalanka argagixisada ee PSF.

Intaasi kadib ayaa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hoggaaminayo ay u dhoofeen dalka Isutaga Imaraadka Carabta, ka dib markii uu martiqaad rasmi ah uu  ka helay Xukuumada dalkaasi.

Safarka Madaxweynaha oo uu ku weheliyo wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Cabdullaahi Jaamac Saalax iyo saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxtooyadda Puntland ayaa la xariira mashaariic balaaran oo ay ka mid tahay balaarinta dekeda magaaladda Bosaso uu la soo saxiixan doono dowladda imaraadka Carabta.

“…Shirkaas oo muddo 5 berri ka socday magaaladda Xamar wuxuu ku soo dhamaaday si guul ah, wax badan ayaa laga wada hadlay, wax badana waa la isku afgartay, waxaana ka soo baxay  warmurtiyeed dhowr iyo tobon qodob ka kooban, kana hadlaayay qodobadii muhiimka ahaa ee laga wada hadlay iyo sidii loogu heshiiyay iyo barnaamijka dhamaystirkiisa inta laga gaarayo Bisha August 2016 oo la rajaynayo in isbedel dowli ah inuu Somaliya ka dhaco” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland waxaa kaloo uu ka hadlay shir kale oo 22 bishan lagu qaban doono magaaladda Baydhabo kaasi oo uu sheegay in lagu dhamaystiri doono qodobo ay ka mid yihiin meeqaamka Caasimadda  Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland wuxuu isla maanta u dhoofay Dalka Imaraadka Carabta,  Waxaana shirkiisii jaraa’id ee uu ku qabtay garoonka Bosaso uu faahfaahin kaga bixiyay  ujeedada Safarkiisa, isagoo sheegay inuu dowlada dalkaasi kala soo hadli doono mashaariic hore loogu ballanqaaday.

“..Casuumad rasmi ah ayaanu ka helnay dowladda imaaradka, waxaanuna ka wada hadli doona mashaariic hore imaaraadku noogu ballanqaadeen iyo howlo la xiriira arrimaha nabadgelyada iyo difaaca, waxaana rajaynayaa muddo saddex Maalmood ah inuu safarkaygu qaato..”.

Madaxweynaha Puntland ayaan kaga hadlin safarkiisa Imaaraadka Carabta,  Ganacsigii xoolaha nool ee loo dhoofin jiray dalka imaaraadka Carabta, kaasi oo muddo dheere xayirnaa,  iskudayo iyo booqashooyin kale duwan oo wasiirka Xanaanada xoolaha Soomaliya Siciid Xuseen ciid iyo Qaar ka mid ah ganacsatadda Puntland ay ku tageen dalka imaraadka carabta ayaan lagu guuleysan.

Ugu dambeen Madaxdweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas  waxaa ugu baaqay bulshadda reer Puntland ay ilaashadaan amnigooda, waxaana uu tilmaamay in rajo weyn ay jirto oo ay ka mid sbedel ka dhaca Soomaaliya iyo mashaariic farabadan oo dhawaan laga bilaabi doono dalka.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*