Xildhibaan Cabdijamaal oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa guddoomiyaha baarlamaanka Puntland

Cabdijamaal Cusmaan Maxamed. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xildhibaan Cabdijamaal Cusmaan Maxamed ayaa ku dhawaaqay in uu u taratamayo tartamayo xilka guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Cabdijamaal ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland, balse waxaa aad loogu yaqaan in uu ahaa wasiir ku xigeenkii amniga xilligii madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole. Waxaa uu baarlamaanka ku soo biiray sanadkan 2019.

Doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka bishii Janaayo 2019 ayuu ka qeybgalay balse waxaa ka adkaaday guddoomiyihii xilka laga qaaday Cabdixakiin Dhoobo-daareed.

Wuxuu noqonayaa musharixii saddexaad oo ku dhawaaqa in uu u tartamayo xilkan. Xildhibaan Cali Axmed Dhahar iyo Cabdirashiid Yuusf Jibriil ayaa horey ugu dhawaaqay musharaxnimadooda.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa qorshuhu yahay in ay dhacdo beri oo Khamiis ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*