Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo tagay magaalo xeebeedka Eyl

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo tagay magaalo xeebeedka Eyl. [Xigashada Sawirka: Facebook/Shareeco Yasin Shareeco]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid oo loo yaqaan Juxa ayaa maanta oo Talaado tagay magaalo xeebeedka Eyl ee gobolka Nugaal, taas oo ka dhigaysa masuulkii ugu sareeyay oo dowladda Soomaaliya katirsan oo safar ku taga magaalo xeebeedka tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-dii.

Juxa ayaa waxaa  duleedka magaalada Eyl ku soo dhaweeyay masuuliyiinta degmada iyo dadka deegaanka.

Waxa uu la kulmay masuuliyiinta iyo dadka deegaanka waxaana uu kala hadlay arrimo kala duwan oo ay kamidyihiin nabadgelyada iyo horumarka magaalada.

Asbuucii lasoo dhaafay, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku yimid Puntland tan iyo markii uu qabtay xafiiska bilowgii bishii April ee sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*