Shirka maamul goboleedyada Soomaaliya oo ka faurmay magaalada Baydhabo

Shirka maamul goboleedyada Soomaaliya oo ka faurmay magaalada Baydhabo. [Sawirka]
Baydhabo-(Puntland Mirror) Shirka maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ka faurmay magaalada Baydhabo ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hir-shabelle iyo Koonfur Galbeed oo martigeliye ah.

Furitaanka shirka Madaxweynaha Puntland ahna guddoomiyaha golaha iskaashiga maamul goboleedyada ayaa ka hadlay ujeedada shirka waxaana uu yiri: “shirkaan isku imaatinkiisu waa shir muhiim ah, waxaan isleeyahay waxyaabaha larabo in lagawada hadlo waxay muhiim u yihiin nabadgalyada dalka, xoreynta dalka, iyo xasilinta dalka Soomaaliya, inta meeshaan joogtaayi waa intii masuuliyadu ka saarneyd dhulka intiisa tirada badan.”

Cabdiweli Maxamed Cali ayaa intaas ku daray: “shirku waxa uu muhiim u ayahay horusocdka dimuqraadiyada Soomaaliaya, sababtoo ah dowladnimadeenii luntay doon-doonisteedii baa nala gashay, shirku waxa uu muhiim u yahay federaaleynta Soomaaliya, nidaam baan qaadanay la yiraahdo federaaliisam nagu cusub, dad badan aqoontiisa ay ku yar tahay, taas ayaa keenaysa is jiid-jiidka marar badan aad idaacadaha ka maqlaysaan, waad baranaysaan waa dumuqraadiyadii iyo federaalisamkii oo wada socda weeye, sharqanta aad maqlaysaan, shirku waxa uu muhiim u yahay in labarto in dalka awoodiisa laqaybsado, khayraadkana qaybsigiisa lagu heshiiyo, waxa aan halkaan iskugu nimaadnay waa intaa.”

Shirkan ayaa ah kii labaad oo ay yeeshaan maamul goboleedyada Soomaaliya, kii hoore ayaa ka dhacay magaalada Kismaayo ee Jubbaland bishii Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*