Wasiirka amniga Puntland oo dalka dib ugu soo noqday kadib markii daaweyn caafimaad oo lagu guuleystay uu ku soo qaatay dibada

Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab. [Sawirka: Archive]
Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka amniga Puntland ayaa dalka dib ugu soo noqday kadib lix bilood oo daaweyn caafimaad uu u joogay gudaha dalka Hindiya.

Cabdi Xirsi Cali Qrjab ayaa dib ugu soo noqday magaalo xeebeedka Boosaaso shalay oo Talaado ahayd kadib markii uu dalka Hindiya ku soo dhammeystay daaweyn caafimaad, sida ilo-wareedyo ku dhow wasiirka ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Bartamihii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay 2016-ka, qaliin keli bedelid ah oo loogu sameeyay Qarjab gudaha Hindiya ayaa lagu guuleystay.

Markii ugu dambeysay oo uu meel fagaare ah kasoo muuqdo ayay ahayd bishii July, 2016-ka, markaas oo uu Somaliland uga digay howlgalo ay ka waday gobolada Sanaag iyo Hayland.

Sida ilo-wareedyadu sheegayaan, wasiirka amniga ayaa ku sugan xaalad caafimaad oo aad u wanaagsan waxaana uu sida ugu dhaqsaha badan dib ugu noqon doonaa shaqadiisii.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*