Iran waa meesha lagu kala wareejiyo dhoofinta ganacsiga sharci darada ah ee dhuxusha Soomaaliya

Iran waa meesha lagu kala wareejiyo dhoofinta ganacsiga sharci darada ah ee Soomaaliya. [Sawirka: Reuters]
New York-(Puntland Mirror) Shirkado dambiilayaal ah ayaa u isticmaala Iran meel ay mariyaan dhoofka dhuxusha sharci darada ah taasoo maleeshiyada Al-Shabaab ay malaayiin dollar oo canshuur ah ka sameeyaan sanad walba, sida ay warixin ku sheegeen kooxda Qaramada Midoobay ee qaabilsan dabagalka cunoqabateynta Soomaaliya.

Warbixinta oo aan la daabicin oo ay aragtay wakaalada wararka Reuters, kooxda dabagalka ayaa intaas ku daray in tan iyo bishii Maarso maraakiibta sida dhuxusha oo isticmaalaya shahaadooyin been abuur ah oo kasoo jeeda dalalka Comoros, Ivory Coast iyo Ghana ay gaareen xeebo kuyaala dalka Iran, halkaas oo dhuxusha la geliyo jawaano cad-cad oo lagu qoray “waxaa soo saartay Iran”.

“Jawaanada ayaa kadib dib loo raraa si yar-yar, doonyo wata calanka Iran ayaa u dhoofiya dekada Al Hamriya ee kutaala magaalada Dubai ee Imaaraatka Carabta, iyaga oo isticmaalaya shahaadooyin been abuur ah oo muujinaya in dhuxushaas laga soo saaray dalka Iran,” ayaa warbixinta lagu sheegay.

Iran ayaa noqotay meesha lagu gala wareejiyo maraakiibtaas, kuwaasoo jabiyay mamnuucista Qaramada Midoobay ee dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

Warbixinta ayaa qiyaasaysa in dhaqaalaha kasoo xarooda dhuxusha sharci darada ah ee Soomaaliya uu dhanyahay $150 milyan oo dollar taasoo laga gado gudaha Imaaraatka Carabta, halkaas oo si weyn loogu isticmaalo cuno-karinta iyo cabida shiishada. Sidoo kale waxaa lagu qiyaasay in ku dhawaad saddex milyan oo jawaan oo dhuxul ah laga soo dhoofshay Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay.

“Ganacsiga dhuxusha ayaa weli dakhli fiican u ah Al-Shabaab, oo ka sameeya ugu yaraan $7.5 milyan oo dollar oo canshuur ah,” ayaa lagu sheegay warbixinta.

Dhoofinta dhuxusha ka timaata Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay soo saareen sanadkii 2012-kii, iyadoo la fiirinayo saameynta burbur ee deegaanka, iyo dhaqaalaha ay maleeshiyada Al-Shabaab ka helaan ganacsiga dhuxusha.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*