Baarlamaanka Puntland oo xilka ka qaaday guddoomiye Cabdixakiin Dhoobo-daareed

Baarlamaanka Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah xilkii ka qaaday guddoomiyihii baarlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed oo loo yaqaan Dhoobo-daareed.

49 xildhibaan oo kamid ah 53 fadhiga joogtay ayaa u codeeyay xilka qaadista, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan oo shir guddoominayay.

Bilihii u dambeeyay, waxaa jiray khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Dhoobo-daareed iyo madaxtooyada.

Waxa uu xafiiska joogay 11 bilood, waxaana uu noqon guddoomiyihii ugu horeeyay ee baarlaamka Puntland oo xilka laga qaado isaga oo jooga sanad wax ka yar.

Khilaafka ayaa soo if baxay dabayaaqadii bishii la soo dhaafay oo uu furmay kalfadhiga markaas oo madaxweynaha uu aqalka uga baxay xanaaq kadib su’aal uu weydiiyay xildhibaan.

Doorashada guddoomiyaha cusub ayaa la qaban doonaa Khamiista soo socota, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*