Saddex musharax oo u tartamaya guddoomiyaha baarlamaanka Puntland

Baarlamaanka Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Saddex musharax ayaa isku diiwaangeliyay in ay u tartamaan guddoomiyaha baarlamaanka dowladda Puntland, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashada Axmed Jaamac Cabdulle oo shir saxaafadeed ku qabtay Garoowe gelinkii dambe ee Arbacada.

Musharixiinta ayaa kala ah, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cali Axmed Dhahar iyo Cabdijamaal Cusmaan Maxamed.

Doorashada guddoomiyaha ayaa qorshuhu yahay in ay caasimada Puntland ee Garoowe ka dhacdo beri oo Khamiis ah.

Baarlamaanka Puntland ayaa asbuucii la soo dhaafay xilka ka qaaday guddoomiyihii hore Cabdixakiin Maxamed Axmed oo loo yaqaan Dhoobo-daareed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*