Golaha wasiiradda Soomaaliya oo xilkii ka qaaday hanti dhowraha guud

Hanti dhowraha guud ee xilka laga qaaday Nuur Faarax Jmcaale. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xilkii ka qaaday hanti dhowraha guud Nuur Faarax Jimcaale hal maalin kadib markii ilaaladiisu ay Muqdisho ku dileen Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska dowladda federaalka Soomaaliya.

Cabbaas Cabdulaahi Siraaji ayaa xalay lagu dilay gudaha Muqdisho markii ilaalada hanti dhowraha guud ay rasaas ku fureen gaari uu saarnaa wasiirku.

Gelinkii hore ee maanta oo Khamiis ahayd, ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa labo katirsan ilaalaada hanti dhowraha guud u xiray dilka Siraaji.

Meydka Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska dowladda federaalka Soomaaliya Cabbaas Cabdulaahi Siraaji ayaa lagu aasay gudaha magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.