Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska dowladda federaalka Soomaaliya Cabbaas Cabdulaahi Siraaji oo lagu aasay gudaha Muqdisho

Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska dowladda federaalka Soomaaliya Cabbaas Cabdulaahi Siraaji oo lagu aasay gudaha Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Meydka Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska dowladda federaalka Soomaaliya Cabbaas Cabdulaahi Siraaji ayaa lagu aasay gudaha magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah.

Salaada janaasada meydka Siraaji ayaa lagu tukaday masaajid kuyaala xarunta madaxtooyada waxaana ka qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo soo gaabiyay safarkiisii Itoobiya si uu uga qeybgalo aaska qaran ee Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska.

Ka qaybgalayaasha ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowldda.

Cabbaas Cabdulaahi Siraaji ayaa xalay lagu dilay gudaha Muqdisho markii ilaalada hanti dhowraha guud ay rasaas ku fureen gaari uu saarnaa wasiirku, sida ay sheegeen dadka goobjoogayaasha ah.

Isaga oo ka tacsiyeynayay, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay Siraaji in uu ahaa nin dhallinyaro ah, dadaal badan oo waddani ah.

Waxa uu ahaa masuulkii ugu sareeyay ee dowladda Soomaaliya katirsan oo lagu dilo Muqdisho tan iyo markii Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu xafiiska qabtay bartamihii bishii Maarso ee sanadkan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*