Biyo yaraanta iyo raadadka abaareed ee ay ku reebaan Soomaaliya

Biyo yaraanta iyo raadadka abaareed ee ay ku reebaan Soomaaliya. [Isha Sawirka: UNDP]
Hordhac:

Waayo badan waxaynu usoo joognay ama laynoo ka sheekeeyeey, abaaro galaaftay nafaha dad iyo iyo duunyo badan oo geyigeena ka dhacay. Waxa ay abaarahu dhacaan marka baadka iyo biyuhu yaraadaan ama la waayo.

3 ilaa 4 sano oo kasta Soomaaliya waxaa ka dhacda abaar, halka 7 ilaa 9 sagaal sano oo kasta ay ka dhacdo abaar aad u xun. 

Dhulka Soomaaliya intiisa badani waa saxare u-eke (semi-arid), Dhulka saxaraha shabaha waxaa lagu yaqaan inuu yahay mid cimiladiisu kulushahay, heerkulkiisu aad u sareeyo. Waxaana la saadaalinayaa isbadalka ku socda cimilada aduunka inuu saameyn weyn ku yeelan doono Dalka.

Waxaan qormadan kooban ku eegayaa waxa soo celceliya abaaraha soo laab laabta ee wadanka ka dhaca, biyaha Soomaaliya iyo siyaabaha loo yareyn karo, kagana hortagi karno biyo yaraanta.

Biyaha Soomaaliya:

Guud ahaan biyaha wadan kastaa waxaa loo qaybiyaa laba qaybood (marka aynu ka hadlayno biyaha beriga)

1.Biyo dhulka korkooda jooga( surface water): sida webiyada, toggaga iyo harooyinka biyaha jiifa.  

  1. Biyo dhulka gudihiisa ku keydsan(Ground water). Soomaaliya biyaha ugu badan ee dhulka ka sareeya waxa ay ka heshaaa labada webi ee Shabeelle iyo Jubba oo dhulka ay ku fadhiyaan bed-kiisu yahay 810 427km2 (sided boqol iyo toban kun afar boqol labaatan iyo todoba  kiilomitir laba jibaaran).  Saddex meelood hal meel oo ka mid ah ayaa kusoo aada Somaaliya bedkaas.

Boqolkiiba sagaashan (90%) biyaha Soomaaliya soo gala waxa ay ka yimaadaan dhulka Itoobiya. Waxaa lagu qiyaasaa biyaha uu webiga Jubba keeno 5.9km3  marka ay soo gaaran degmada luuq. Halka webiga Shabeelle biyihiisu ay gaarayaan 2.3Km3 marka ay soo joogaan aaga Beledweyne. Sidoo kale Soomaaliya waxa ay ka heshaa biyo Kenya biyo gaaraya 0.5km3. waxaa Soomaaliya soo maray sanadiihii 1946, 1961, 1981, 1997/1998 fatahaado burbur xoogaan u gaystay sameyskii labada webi iyo jeexyadii biyaha u qaybin jiray beeraha.

Marka laga yimaado biyahaas wadamada deriska ah ka yimaada Soomaaliya waxay leedahay biyo qiyaastii 5.7Km3 sanadkii   gaaraya oo wadanka dhexdiisa laga helo.

Soomaaliya ma lahan biyo xiroono biyaha u qabta waxaase jira laba biyo qabte (stream off storages) oo ku kala yaala Jowhar iyo iyo Duduble. Waxay qaban karaan biyo qiyaastii gaaraya 0.4km3.

Waxaa jirta biyo yaraan waayadan dambe laga soo sheegayo webiga Shabeelle, sababta u weyn ee keentay ayaa ah in dowladda Itoobiya ay aad u isticmashay biyaha webiga, iyadoo  ka sameysay mashruuc koronto dhan 153MW  Melka wakaana dhalinayo aaga. Sidoo kale waxa ay sameeyeen biyo xiroono qabanaya 50% biyaha webiga.

Haddii ay sii wadaan mashaariicdan waxa ay keeni kartaa in biyaha webiga ay aad usii yaraadaan. Ma jiro wax heshiish biyaha ah oo labada wadan(Soomaaliya iyo Itoobiya) ka dhaxeeya, waana sababta u weyn ee ay Itoobiya siday rabto u isticmaalayso biyaha webiga.

  1. 2. Biyaha dhulka hoos jiifa (Ground water):

Biyaha dhulka hoostii ku jira waxaa ku tiirsan inta badan nolosha Soomaalida, miyiga iyo magaaladaba, gaar ahaan dhulka gobolada dhexe, koonfurta gobolo ka mid ah waqooyiga Soomaaliya(Puntland iyo Somaliland), biyaha la heli karo sanadkii dhulka waxaa lagu qiyaasaa 3.3km 3.

Biyaha ceelasha dadku qotaan ee yaryar, kuwa dhaadheer magaalooyinka laga siiyo biyaha iyo ilaha biyuhuba waxay ka mid yihiin biyaha dhulka hoos ceegaagan.

Biyaha roobka(rainwater):

Celcelis sanadeedka roobka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 282mm, kala duwanaashaha qaybaha wadanka ee roobku waa mid aad u weyn aadna u kala fog. Dhulka qaar waxa ay roobka helaan laba xili(iGu’ iyo deyr ), hallka gobolada qaarna(koonfurta) saddex xilli roobaad ka da’aan, roob xiliga xagaaga da’ ayaa jira.

Biyaha roobku isha ay ka yimaadaan biyaha labada biyood aan kor kusoo sheegnay, haddii roobku yaraadana labooduba way yaraanayaan.

Abaaraha(Droughts):

Sababta ugu weyn ee keena aabaraha Soomaaliya waa roobka oo yaraada ama la waayo. Waxa ay keenaysaa in beerashada roobka ku xiran oo ah wadanka intiisa badan iyo xoolahaba biyo loo waayo. Marka abaartu dhacdo waxaa kaloo dhacda in nabaad guurka  iyo carra guurka dhulku sii bato.

Waxyaabaha cara-guurka (soil erosion) keena waxaa ka mid ah roobka, oo marka uu dhul aan dhir lahayn qabto sababa burburinta qaybta kore ee ciidda (top soil), taas oo ah halka ay dhirtu ka helaan nafaqada ay u baahanyihiin si ay u koraan.

Dabaysha ayaa iyana ka mid ah waxyaabaha sababa carra-guurka, waxa ayna qaadaa ciidda roobku burburiyey iyadoo geeysa meelkale.

Muddo markii abaar wadanku ku jiro oo roobku yimaado waxa dhabba xaar usii sameen karaa, abaar kale oo ka xoog weyn tii hore hadduu sababo carro-guur.

Maxay yihiin raadadka ay reebaan biyo yaraantu?

Waxa ugu weyn ee niyadeena su’aashani kuso ridayso iyada oo ay tahay abaar soo noqnoqota, hadana waxaa lagama maarmaan ah inaynu isla garano biyo yaraanta waxa keena.

Waxyaabaha keena biyo yaraanta waxaa ka mid ah; biyaha qulqulaya oo aan laga faa’iidaysan, iyada oo aysan wadanka ka jirin biyo xireeno biyaha qabta, taasna waxa ay keenaysa biyo badan oo aynu uga bixi lahayn biyo yaraanta inay badaha ku darsamaan.  Biyaha dhulka hoostiisa ku jira oo aan si fiican looga faa’iidaysan, wadanka kama jiraan ceelal ku filan oo dadku biyaha ay u baahanyihiin ka helil karaan.

Yareynta abaaraha:

Hadiiba waxa ugu weyn ee sababaya aabaraha ay yihiin biyaha roobka oo la waayo kadib baadka oo dhamaada, waxaa lagama maarmaan ah wadanku inuu helo siyaasad ku wajahan arinta oo dadka lagu gaarsiinayo biyaha, laguna qabanayo biyaha rabbi noogu deeqo sanadkasta ee naga khasaara.

Talaabooyinka haddii la qaado waxaan rajeen inay waxbadan iska badalayaan:

  • Carra-guurka oo lala diriro:

Carra-guurku waa noocyo badanyahay wuxuuna gaari karaa heer xun oo dhulka dhir iyo baad dambe looga helin, waxaa lagu yareyn karaa degaanka oo si fican loo ilaaliyo lalana dagaalamo cid walba deegaan dhib u geysata

  • Dhiireyn wadanka in lagu sameeyo si loola yareeyo carra-guurka dabayshu keento (wind erosion).
  • In la siyaadiyo wacyigelinta bulshada ee ilaalinta deegaanka.
  • In siyaasada wadanku ay tixgelin weyn siiso deegaanka, oo ah halka ay nolosheenu ku tiirsantahay.
  • In dowladda Soomaaliya ay heshiisyo biyaha ah la gasho Itoobiya si loo xaliyo biyo yaraanta webiga Shabeelle iyadoo kaashanaysa dad aqoon fiican u leh heshiisyada biyaha ee caalamiga.
  • In mashaariic biyaha lagu qabto la sameey iwm.
  • Cilmi baaris lagu sameeyo maclumaadka biyaha ee wadanka oo dhan si khatar kasta oo abaareed eel a filan karo loogu diyaar garoobo.

 Gunaanad:

Qormadan kooban ma wada koobi karto dhamaan dhibta biyo yaraanta wadanka ka jirta iyo abaaraha soo noqnoqda ee dalkeena ka jira, waxaanse rajeen inay fure iyo albaab uu ka galo siin karto qofkasta oo Soomaali ah raba inuu wax ka ogaado biyaha wadankiisa.

Qaar ka mid ah Macluumaadkan waxa aan kasoo  qaatay  hay’adda cuntada aduunka ee FAO .

Qoraaga

Cabdikariim Aadan Jaamac, wuxuu darajada kowaad ku diyaariyay Civil Engineering, ee Jaamacada Alzaeim Al-azhari oo kutaala magaalada Khartuum ee dalka Suudaan, hadda waxa uu Civil Engineering M.Sc of Water ka diyaariyaa Jaamacada Gezira University ee Sudaan.

E-mail: Abdikarimadam@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*