Madaxweyne Cabdiweli oo magacaabay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa u magacaabay Daahir Xaaji Khaliif Wasiirka Beeraha iyo Waraabka kadib markii wasiirkii hore Cabdinuur Cilmi Maxamuud uu ku dhintay Muqdisho bishii Janaayo ee sanadkan.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland maanta oo Sabti ah, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sidoo kale Cabdirixmaan Salaad Maxamuud u magacaabay Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Horaantii bishaan, todobo sargaal oo katirsan Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo uu ku jiro wasiir ku xigeenkii ayaa waxaa shaqada ka ceyriyay madaxweynaha kadib markii lagu helay musuqmaasuq, sida ay sheegtay madaxtooyadu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*