Xilli roobaadka Deyrta oo ka da’ay deegaano kuyaala Puntland

Gaari dhexmaraya roob xili hore ka da’ay magaalada Qardho. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xilli roobaadka Deyrta ayaa ka da’ay deegaano kuyaala Puntland.

24-kii saac ee ugu dambeeyay, gobolada Karkaar, Nugaal iyo qeybo kamid ah Mudug ayaa helay roobab fiican, sida ay warsidaha Puntland Mirror u sheegeen dadka deegaanka.

Magaalooyinka waa-weyn ee uu roobku ka da’ay waxaa kamid ah Garoowe, caasimada Puntland.

Xilli roobaadka Deyrta ayaa imaanaya iyada oo kuleyl daran uu jiray maalmihii la soo dhaafay sidoo kalena deegaanada Puntland qeybo kamid ah ay abaari ka jirto.

Roobab fiican ayaa la filayaa in ay ka da’aan gobolka maalmaha dhow ee soo socda, sida ay muujineyso Saadaasha Roobka Soomaaliya ee haayada FAO ee Qaramada Midoobay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*