Ugu yaraan 17 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax hore oo ka dhacay Muqdisho. [Sawi Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho maanta oo Isniin ah, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa ka dhacay bar-kantarool kuyaala jidka KM4, sida ilo-wareedyadu ay sheegeen.

In ka badan 20 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo ay sheegatay masuuliyadiisa maleeshiyada Al-Shabaab, taasoo geysata qaraxyada Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ahaa askar ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay iyo dad rayid ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*