Wasiirka arrimaha dibada DFS Cabdisalaam Cumar Hadliye oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Jabuuti

safiirka-jabuuti
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomaya safiirka cusub ee Jabuuti Aadan Xasan Aadan. Sawirka: Sonna.

Muqdisho-(Puntand Mirror) Wasiirka arrimaha dibada dowlada federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa maanta oo Khamiis ah ka guddoomay waraaqihiisa aqoonsiga Aadan Xasan Aadan oo ah safiirka cusub ee Jabuuti ay u soo magacowday Soomaaliya.

Kadib munaasabada guddoonka waraaqaha aqoonsiga, wasiirka iyo safiirka ayaa wada qaatay kulan saacado qaatay oo ay uga wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Jabuuti ayaa ah dalkii lagu soo dhisay dowladii kumeel gaarka ahayd ee Carta sanadkii 2000, dalka yar ee kuyaala Geeska Afrika ayaa shirar badan oo lagu raadinayay in Soomaaliya in dib loogu soo cesho dowladnimadii iyo kala dambayntii qabtay muddooyinkii ay colaadaha sokeeye ka jireen Soomaaliya.

Sidoo kale Jabuuti waxay kamid tahay wadamada ku deeqay ciidamada holgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*