Somali News

Sawirka: Dad sida meydka qof ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho.

Qaramada Midoobay oo sheegtay in 2,000 shacab ah lagu dilay gudaha Soomaaliya muddo labo sano gudahood ah

Muqdisho-(Puntand Mirror) Ugu yaraan 2,000 shacab ah ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya mudadii u dhaxaysay Janaayo 2016 ilaa iyo Oktoobar 2017, sida lagu sheegay warbxin ay sii daysay Qaramada Midoobay maanta oo Axad ah. Warbixinta oo ciwaan looga dhigay Difaacida Shacabka waa Dhismaha Asaaska Nabada, Ammaanka iyo Xuquuqul Aadmaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in 2,078 qof la diay sidoo kalena[Read More…]

by December 10, 2017 0 comments Somali News
Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Xigashada Sawirka: Getty Images]

Raysulwasaaraha Soomaaliya: Xukuumadaydu uma dul qaadan doonto musuqmaasuqa

Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in xukuumadiisu aysan u dulqaadan doonin musuqmaasuqa. “Xukuumadaydu haba yaraatee wax dulqaad ah uma yeelan doonto musuqmaasuqa iyo wax is-daba-marinta, waxaana dadaal badan ku bixin doonaa sidii loo ciribtiri lahaa musuqa.” Ayuu ku yiri qoraal uu soo dhiggay boggiisa Twitter-ka maanta oo Sabti ah. Khayre ayaa munaasabado badan ka balanqaaday in[Read More…]

by December 9, 2017 0 comments Somali News
Madaxweynaha Puntland oo xalay kulan casho sharaf ah ugu sameeyay Muqdisho ciyaartowga kubada cagta Puntland. [Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]

Madaxweynaha Puntland oo kulan casho sharaf ah ugu sameeyay Muqdisho ciyaartowga kubada cagta Puntland

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xalay kulan casho sharaf ah ugu sameeyay Muqdisho ciyaartowga kubada cagta Puntland ee ka qeyb galaya tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya. Madaxweyne Cabdiweli ayaa dhalinyatada ciyaartowga ah kula taliyay  in ay ilaashadaan sumcadooda iyo sharaftooda ayna hagaajiyaan akhalaaqdooda, dabeecaddooda iyo diintoodaba. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhalinyarada u balanqaaday in dhawaan la casriyeyn[Read More…]

by December 9, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Madaxweyne Farmaajo iyo wefdigiisa oo gaaray Sharmal Shiikh.
 [Sawirka: Facebook/villasomalia]

Madaxweynaha Soomaaliya oo tagay magaalada Sharmal Shiikh oo uu uga qeybgali doono shirka COMESA

Sharmal Shiikh-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay oo Khamiis ahayd tagay magaalada Sharmal Shiikh. Farmaajo ayaa ka qeybgali doona shirka Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA), oo looga hadlayo maalgashiga iyo horumarinta bariga iyo koonfurta Afrika. Dhowr dal oo ka mid ah COMESA ayaa la filayaa in ay ka soo qayb galaan shirka, kaas oo socon doona[Read More…]

by December 8, 2017 0 comments Somali News
Sawirka baarlamaanka Puntland.

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay miisaaniyada 2018

Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay miisaaniyada 2018, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka. 50 xildhibaan ayaa kasoo qeybgalay kulanka maanta oo Khamiis ah ka dhacay caasimada Garoowe, 47 xildhibaan ayaa ogolaaday in la ansixiyo miisaaniyada, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Axmed Cali Xaashi. Miisaaniyada sanadka 2017 ayaa dhan $ 92,713, 364, waxaana ka muuqata is dhin marka loo fiirsho[Read More…]

by December 7, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Sawirka: Marxuumad Shamis Abukar oo loo yaqaan Guduudo Carwo.

Fanaanadii Soomaaliyeed Guduudo Carwo oo ku geeriyootay magaalada Hargeysa

Hargeysa-(Puntland Mirror) Fanaanadii Soomaaliyeed Shamis Abukar oo loo yaqaan Guduudo Carwo ayaa maanta oo Khamiis ah ku geeriyootay magaalada Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen qoyskeeda. Guduudo Carwo ayaa kamid ahayd hablihii ugu horeeyay ee fanka Soomaalida, waxayna ku biirtay sanadkii 1953, iyadoo heesteedii ugu horeysay oo la dhaho Heelo qaaday bishii Agoosto ee sanadkaas. Marxuumada ayaa muddo ku dhow labaatan sanno[Read More…]

by December 7, 2017 0 comments Somali News
Isimada Puntland oo ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafkii ka taagnaa dekada magaalada Boosaaso. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]

Isimada Puntland oo ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafkii ka taagnaa dekada magaalada Boosaaso

Boosaaso-(Puntland Mirror) Isimada Puntland ayaa ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafkii ka taagnaa dekada magaalada Boosaaso, sida manta oo Arbaco ah uu sheegay Boqor Burhaan Boqor Muuse. Munaasabada lagu soo bandhigayay heshiiska ayaa maanta ka dhacday magaalada Boosaaso, waxaana ka qeybgalay masuuliyiin katirsan dowladda iyo ganacsatada. Qodobada lagu heshiiyay ayaa ah: In laga wada shaqeeyo nabadgelyada Dawladdu inay soo bandhigto[Read More…]

by December 6, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Sawirka: Ciidamo katirsan booliiska Puntland.

Taliyihii saldhiga dhexe ee ciidamada booliiska Gaalkacyo oo lagu dilay qarax

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Taliyihii saldhiga dhexe ee ciidamada booliiska magaalada Gaalkacyo Cali Magafe ayaa lagu dilay qarax, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah. Taliyaha ayaa bumbo gaarigiisa loogu rakibay ku qaraxday saakay oo Arbaco ah gudaha magaalada Gaalkacyo, sida ay ilo-wareedku sheegeen. Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyada weerarkaas lagu dilay taliyaha.

by December 6, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Maleeshiyada Al-Shabaab. [Xigashada Sawirka: Aljazeera]

Sargaal katirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegay in ay heleen xoggo sheegaya in hoggaamiyaha Al-Shabaab uu ku suganyahay gobolka Gedo

Muqdisho-(Puntland Mirror) Sargaal katirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay heleen xoggo ku sabsaan halka uu joogo hoggaamiyaha maleeshiyada Al-Shabaab. Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya Janaraal Ismaaciil Saxardiid ayaa wareysi uu siiyay wakaalada wararka dowladda ee SONNA ku sheegay in hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye uu ku dhuumanayo meelo kamid ah gobolka Gedo, isaga oo intaas[Read More…]

by December 5, 2017 0 comments Somali News
Isku aadka tartanka kubada cagta maamul goboleedayada Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: Goolfm]

Isku aadka tartanka kubada cagta maamul goboleedyada Soomaaliya oo la sameeyay

Muqdisho-(Puntland Mirror) Isku aadka tartanka kubada cagta maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado la sameeyay. Kooxaha ayaa loo kala qeybiyay labo qeybood. Group A: Banaadir, Jubbland, iyo Galmudug Group B: Puntland, Hir-shabelle iyo Koonfur Galbeed. Ciyaarta furitaanka ayaa dhici doonta Jimcada, waxayna dhexmari doontaa Banaadir iyo Jubbland. Puntland oo difaacanaysa horyaalka ayaa u muuqata in ay gashay group fudud,[Read More…]

by December 5, 2017 0 comments Somali News, Sports
Scroll Up