Sawiro- Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar oo Muqdisho aas qaran loogu sameeyay

Muqdisho-(Puntland Mirror) Meydka Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar ayaa maanta oo Khamiis ah lagu aasay xarunta wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya ee Muqdisho.

Munaasabada aaska qaran ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin dowlada federaalka kamid ah oo ay kamid ahaayeen madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, raysulwasaare, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, iyo sidoo kale madaxweynayaasha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Maxamed Cali Samatar oo xilal badan kasoo qabtay dowladii kacaanka ahayd ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare ayaa ku geeriyooday asbuucaan bilowgiisii gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar ayaa dalka kasoo noqdey madaxweyne ku-xigeenka 1-aad, raysulwasaare, iyo wasiirka gaashaandhiga xilligii dowladii kacaanka.

Kahor inta aan la aasin, saraakiil dowlada katirsan iyo dad shacab ah ayaa salaada janaasada meydka marxuumka ku tugaday.

Kadib burburkii markii uu dhacay Maxamed Cali Samatar ayaa u cararay dalka Talyaaniga kadibna waxa uu uga guuray gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

Maxamed Cali Samatar, ayaa lagu xasuustaa doorkii uu ku lahaa dhismaha ciidamada Soomaaliya xilligii dowladii kacaanka, ciidamada Soomaaliya oo tiradooda lagu qiyaasi jiray ilaa iyo 50,000 ayaa kamid ahaa ciidamada ugu qalabka iyo tababarka fiican qaarada Afrika.

Maxamed Cali Samatar, ayaa gaaray darajada ciidamada Soomaaliya ugu saraysa oo ah “Sareeye Guud”.

___________________________________________________________________________________________

Pic 1

Pic 2

Pic 3

pic 4

Pic 5

Xuquuqda Sawirada waxaa leh, Dr. Cabdiqani Shiikh Cumar, agaasimaha wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee dowlada federaalka Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*