Hoggaamiye dhaqameed lagu dilay magaalada Boosaaso

Suldaan Bashiir Muuse Koonte. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Nin hubeysan oo aan la garanayn ayaa Suldaan Bashiir Muuse Koonte ku dhex dilay masjid kuyaala magaalada Boosaaso maanta oo Jimce ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka katirsan.

Suldaanka ayaa salaada Jimcadda ku oogayay masjid la dhaho Mubaarak oo kuyaala Boosaaso marka nin baastoolad ku hubeysan uu soo galay masjidka kadibna toogtay, sida ay wararku sheegeen.

Ninka dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, wararka ayaa intaas ku daray.

Suldaan Bashiir Muuse Koonte ayaa watay ilaalo gaaraysa 7 nin balse waa ay ku guuldareysteen in ay qabtaan gacan ku dhiiglaha.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilka Suldaanka, balse ururada argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa dilal qorsheysan sanadihii u dambeeyay ka geystay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*