Banaanbax ka dhan ah Somaliland oo ka dhacay gobolada Sanaag iyo Hayland

B
Banaanbaxyo looga soo horjeedo maamulka Somaliland oo ka dhacay gobolada Sanaag iyo Hayland. Sawirka: Xingalool News.

Garoowe-(Puntland Mirror) Banaanbaxyo looga soo horjeedo maamulka Somaliland ayaa maanta oo Axad ah ka dhacay meelo ku yaala gobolada Sanaag iyo Hayland ee Puntland.

Meelaha ay banaanbaxyadu ka dhaceen ayaa waxaa kamid ah magaalooyinka, Badhan, Xiingalool iyo Hadaaftimo.

Dadka banaanbaxa sameynayay ayaa watay calanka dowlada Puntland iyo kan qaranka Soomaaliya, waxayna ku qaylinayeen hadalo ka dhan ah maamulka Somaliland.

Dhawaan ayaa meelo kamid ah goboladaas waxaa soo gaaray ciidamo ka socda Somaliland, kuwaasoo wada sanaadiiqda cod bixinta ee maamulka Hargeysa.

Ciidamada dowlada Puntland ayaa dhaq-dhaqaaq ciidan ka wada gobolada Sanaag iyo Hayland.

Maamulka Somaliland ayaa horey ugu guul daraystay inuu keeyo sanaadiiqda cod bixinta goboladaas, kadib markii ay is-hortaageen ciidamada dowlada Puntland iyo shacbaka u dhashay labadaas gobol.

Shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Gaalkacyo, wasiirka amniga Puntland Cabdi Xisri Cali “Qarjab” ayaa uga digay Somaliland faragalinta ay ka wado xuduudaha Puntland, Qarjab ayaa carabka ku adkeeyay in Puntland tixgelinayso darisnimada iyo xasiloonida gobolka, balse haddii Somaliland aysan joojin faragalinta ay dowlada Puntland difaacayso dhulkeeda.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*