Ganacsade caan ahaa oo dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoon ku toogteen Muqdisho

Ganacsade caan ahaa oo dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoon ku toogteen Muqdisho. [Sawirka: Archive]
Ganacsade caan ahaa oo dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoon ku toogteen Muqdisho. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ganacsade caan ah ayaa maanta oo Axad ah waxaa toogtay niman hubaysan oo aan haybtooda la aqoon, sida ay sheegeen goobjoogayaasha.

Cusmaan Cabdi Aadan ayaa lagu toogtay Suuqa Bakaaraha oo kuyaala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida ay goobjoogayaasha sheegeen.

Ganacsadaha ayaa ku sugnaa Maalin-taajir oo ah meel kutaala gudaha Suuqa Bakaaraha, markii ay toogashadu dhacday, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Nimankii dilka geystay ayaa ka cararay goobta toogashada kadib.

Ma jirto cid sheegatay in ay iyagu ka dambeeyaan dilka ganacsadaha.

Bishii November ee sanadkii tagay, Cumar ayaa ka badbaaday isku day dil markii gaarigiisa qarax loogu xiray uu qarxay.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*