Meydka Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar oo Muqdisho laga dajiyay

Maydka Cali Samatar
Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya oo sida meydka Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar. Sawirka: Facebook.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Meydka Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar ayaa saakay oo Khamiis ah laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha caalamiga Aadan Cade ee Muqdisho.

Saraakiil sare oo dowlada federaalka Soomaaliya katirsan ayaa meydka marxuum Maxamed Cali Samatar ku qaabilay garoonka, iyadoo ay ciidamada qalabka ee dowlada federaalka Soomaaliya ay u tumeen astaanta qaranka.

Maydka
Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya oo astaanta qaranka u tumaya meydka Sareeye Guud, Maxamed Cali Samatar. Sawirka: Facebook.

Medka Maxamed Cali Samatar ayaa la filayaa in lagu aaso caasimada Soomaaliya, Muqdisho, iyadoo ay aaskiisa ka qaybgali doonaan masuuliyiinta u saraysa dowlada federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cali Samatar oo xilal badan kasoo qabtay dowladii kacaanka ahayd ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare ayaa ku geeriyooday asbuucaan bilowgiisii gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar ayaa dalka kasoo noqdey madaxweyne ku-xigeenka 1-aad, raysulwasaare, iyo wasiirka gaashaandhiga xilligii dowladii kacaanka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*